wasiirka maaliyada Somalia oo war Dalka farxad u leh sheegay

0
958

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle  Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Dalka ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta dalkeena Soomaaliya.

wasiirka ayaa yiri “Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaka rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalamka oo aad ugu qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda  Dowlada Somalia ku tilaabsatay,

wasiir Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka ee dhanka aaminaada ah,

Dhanaca kale Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Fedaralka Somalia Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday  Caasimada wadanka Maraykanka ee Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda, amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan.

wafdigan Raysal wasaaraha ayaa dhawaan Somalia kusoo laaban doono hadii eebe idmo ayado laga rajaynay in natiijooyin  hormar leh la imaan doonan imaanshahoda kadib hadii ebe idmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here