Taliyaha ciidanka dhulka Somalia general Odawaa Yusuf Raage oo ka war bixiyay hawlgalada amniga ee ka socda ….

0
816

tan iyo intii ay hawlgalada ciidanka xooga dalka ka bilaaben Gobalada shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe ayaa waxaa isa soo tarayay deegaanada lagala wareegayay Ururka alshabaab,
Xaaladaha deegaannadii ay gacanta ku dhigeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa saakay degen kadib markiii ay halkaas iskaga baxeen alshabaab,
Sidoo kale ciidamada Ayaan wada howl galo balaaran oo ay dalka kaga sifaynayaan kooxda alshabaab
Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada ay wadaan ciidamada Dowlada fedaralka Somalia iyo guulaha laga gaaray weeraradi ay ciidanku qaaden,  generaalka ayaa tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada inay yihiin kuwii dhibaatooyinka ugu badan ee dhaca iyo Boobka ah ee Al-Shabaab ugu gaysan jireen Shacabka.
Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay Howlgaladaan sii socon doonaan, inta ururka Al-Shabaab laga dul qaadayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadda ku haayaan.
General Odawaa ayaa dhanka kalena sheegay inay jiraan Qaraxyo kooxda alshabaab ay ku diyaarinayeen Goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan ciidanka Xoogga Soomaalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here