Ciidamado katirsan Kuawa Xoga Dalka Somaliya oo garay magalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

0
116

Ciidamado katirsan Kuawa Xoga Dalka Somaliya oo garay magalada Guriceel ee
Gobolka Galgaduud.

Ciidamadii dhawaan lagu tababaray Magalada Baladweyne ayaa waxaa ay
gaareen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo ka qeyb qadan
doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Taliska Qaybta 21aad ayaa
Dugsiga Tababarka Har-Qaboobe ee degmada Guriceel waxaa ay ku soo
Dhoweeyeen Ciidamadii saakay ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta
gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay sheegeen inay ka
qeyb qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee la filayo in
dhawaan laga fulinayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo
Galgaduud.

Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Baladweyne aya dhowr jeer
wxaa ay diideen in Ciidamadaas loo qaado gobolka Galgaduud,waxaana sidoo kale
fashilmay qorsho looga dhaadhicin lahaa inay ogolaadaan,hayeeshee Maanta la
qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here