Mas’uuliyiinta lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

0
110

Mas’uuliyiinta lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa Saaka Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Shabeellaha Dhexe lagula eegtay duleedka Magaalada Balcad xilli ay kusii jeedeen Magaalada Jowhar.

Afar ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa oo ahaa Miinadda Nooca dhulka lagu Aaso ee meelaha fog fog laga haggo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Qaraxa ku dhintay ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe ,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here