Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in ay malaayiin doolar u soo bandhigtay kabtankii waday markabka Iiraan ee saliidda

0
30

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in ay malaayiin doolar u soo bandhigtay kabtankii waday markabka Iiraan ee saliidda waday si uu ugu wareejiyo, markabkaas ayaa horseeday muran dublamaasiyadeed.

Brian Hook oo madax ka ah Iran Action Group ayaa email u qoray kabtankii waday markabka Adrian Darya 1 si uu u geeyo goob uu Maraykanku ka qabsan karo.

Markabkaas ayaa looga shakiyay in uu shidaal u waday Suuriya. Masuuliyiinta Gibraltar ee dawladda UK ayaana si ku meel gaar ah u qabtay bishii Luulyo.

Bishii hore ayaa la sii daayay ka dib markii ay Iiraan caddaysay meesha uu u socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here