Nin degmada Kaaraan ku dilay saddex qof oo walaalo ah ayaa maanta Dil lagu xakumay.

0
18

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaasoo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo C/llaahi Axmed abuukar. , waxaana la sheegay in sababta uu saddexdan walaalo u dilay ay ka dambeysay is qabqabsi dhinaca dhulka ah oo ka dhaxeeyay.

Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa muddo sanad ah baxsad, ahaa ayaa la soo xiray bishii 7-da June ee sanadkan 2019

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu nolosha dhaafiyay 3 ruux Oo walaalo ah

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar Oo walaalo ah sida uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Go’aanka Maxkamadda ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here