Wasaarada Gargaarka iyo Masiibooyinka sheegey in ka badan 2 milyan qof ay hada khatar ugu suganyihiin cunta yari ah.

0
129

Kulankaan Oo manta isugu imaadeen Wasiirka Gargaarka XFS ku xigeenka ergeyga gaaarka qaramada midoobey Iyo Madax ka socotey Ha,adaha gargaarka ah ee ka  howl gala somaliya ayaa manta ka dhacey Magaalada Muqdisho kulankaan ayaa waxa Looga hadlayey xalada biliaadanimo ee Somalia Iyadoona Masuuliyiintiii kulanka ka Hadley ay sheegeen in dalka xalada macluul ah kusoo food leedahey taasina ay sababtey roobabkii oo sanadkaan xiligoodii ka soo daahey.

Wasiirka gargaarga Iyo Masiibooyinka XFS Xamsa Siciid Xamsa ayaa Sheegey in roobku sanadkaan ay soo daaheen taasina ay ka dhalatey cunto yari ku dhacdey beeraleyda madaama xiligii loogu tala galey aysan beeran beeraha oo ay roob la,aantu saameynsey waxaana uu sheegey in ka badan 2 milyan qof ay hada khatar ugu suganyihiin cunta yari ah.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobey Ayaa sheegy in caqabado badan ay jiraan balse ay sii wadi doonaan  gargaarka somaliya ayna kala shaqeynayaan dowlada Somaliaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here