Xukuumadda Soomaaliya oo kulan u Muuqday Digniin la qaadatay Safiirada wadamada caalamka ee Muqdisho jooga.

0
180

Xukuumadda Soomaaliya oo kulan u Muuqday Digniin la qaadatay Safiirada wadamada caalamka ee Muqdisho jooga.

Kulankaas oo ka qabsoomay Xarunta Xalane ee Muqdisho ayaa looga hadlay Arimaha Dibadda iyo Gudaha ee Somaaliya..

Waxaana dowladdu ay safiirada caalamka la wadaagtay sababta ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea oo dowldu ay sheegtay in dalkaas uu ku xadgudbay Qaranimada iyo madax Banaanida Jamhuuriyadda fadaraalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Ahmed Ciise Cawad oo kulankaas wixii ka soo baxay warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in Safiiradda Caalamka ay u sheegeen in ay muhiim tahay in ay ka fiirsadaan marka ay xiriir la sameynayaan maamulada Gudaha Soomaaliya oo dowladu ay sheegtay in ay ka mid tahay Somaliland oo aan wali dal ahaan loo aqoonsan.


Wasiir Cawad ayaa Xusay in safiirada sidoo kale ay la wadaageen dadaalada dowladu ay wado ee la xiriira arimaha dib u heshiisiinta iyo maamaul dhisida ee ka socda Galmudug halkaas oo uu ku sugan yahay Ra,isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.
Ugu danbeen kulanka ayaa dowladu waxa ay ku soo dhaweysay Heshiiska ay gaareen Hoggaamiyaasha Mucaaradka iyo Banaanbaxayaasha Suudaan.
Xaaladda Suudaan oo dagan ayeey dowladdu sheegtay in ay muhim u tahay Gobolka iyo Caalmka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here