Dilal siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho iyo Afgooye

0
306

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen Oday dhaqameed siweyn looga garanaya degmada oo lagu magacaabi jiray Xassan Yuusuf Baani.

Toogashadan ayaa xalay ka dhacday meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala tuulada laga magacaabo Sagaalaad oo warar soo baxaya sheegayaan in uu mar guddoomiye ka soo noqday marxuumka la dilay.

Raggii toogashada geystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen waxaana goobta markii danbe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in xalay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dileen Nin magaciisa lagu sheegay Saciid Cumar Xassan oo horay guddoomiye uga soo noqday maxkamada gobolka Shabeellaha hoose.

Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dilalka kooxaha hubeysan ay ku bartilmeedsadaan shaqsiyaadka horay xilalka uga soo qabtay dowlada, odayaasha dhaqanka iyo askarta intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here