Shirkadda facebooke oo hawada ka saartay shabakad faafisa wararka been abuurka ah oo saldhigeedu yahay dalka ingiriiska

0
327

Shirkadda Facebooke waxa ay hawada ka saartay in ka badan 130 cinwaan iyo Beejajkooda oo ay sheegtay in ay been abuur ahaayeen, kuwaa oo xafiisyadooda ay ku yaaleen dalka Ingiriiska

Shirkadda facebooke aya sheegtay in markii ugu horreeysay ay tahay oo ay hawada ka saarto shabakado intenetka loo adeegsado oo ku yaala dalka Ingiriiska

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in Beejajkaasi ay u adeegayeen qolyaha xagjirka ah iyo fir fircoonayaal qaswadayaal ah

Waxa ka qeeyb qaatay howlgalkan Sharci yaqaano ingiriis ah iyo xubno ka tirsan xukuumadda Britin , kooxaha isticmaala barahaan ayaa marka hore isu ekeeysiiya kuwo aan wax dambi ah u sameeysan cinwaanadooda laakiin waqti dambe ayay u badalaan magacyo ay wax ku sumcad xumeeyaan

Shirkadda facebooke ayaa sheegtay in 175 kun oo ruux ay ku xiran yihiin halkii Beej oo ka mid ah Beejajka hawada laga saaray , waxaana hoostaga 35 kun oo cinwaano Instgram

Waxaa lagu soo eedeeyay shabakadan wararka ben abuurka ah faafiso in ay daabaceen warar kicin dadweeyne iyo in ay  buun buuniyeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dhinacyada siyaasadda Dalka Ingiriis

Waxa ay sidoo kale baahiyeen warar la xiriira Soo galootiga oo ay ku colaadinayaan , Xorriyadda hadalka , midab takoorka iyo kuwo kale.

Beejajkaasi ayaa waxaa lagu maalgaliyay 1,500 ugu yaraan , xayaysiintii ugu horeeysay waxaa loo sameeyay sanadkii 2013kii

Facebooke ayaa sheegtay in ay dagaal xooggan la galeeyso shabakadaha caadeeystay in ay faafiyaan wararka been abuurka ah iyo  wax walba oo ka hor immaanayaa anshaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here