Dowladda Kenya oo sheegtay in aysan aqbali doonin alaabaha xawilaadda ah ee dadka aysan la’socon ee uga yimaada Soomaalia

0
621

Dowladda Kenya oo sheegtay in aysan aqbali doonin alaabaha xawilaadda ah ee dadka aysan la’socon ee uga yimaada Soomaalia
Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in marna aysan aqbali doonin in boorsooyin xiran ama alaabo kale oo laga soo dhoofiyay Soomaaliya oo aysan jirin cid la’scoota in dalkeeda la’soo galiyo
War qoraal ah oo ay soo saartay dwoladda Kenya ayaa lagu sheegay in haddii la qabto Boorsooyin ama alaabo kale oo cid la’socotaa aysan jirin la’bur burin doono iyada oo la’cuskanayo xeeraka duulimaadka Kenya
Kenya ayaa sheegtay in wal wal dhanka ammaanka ah ay kala kulmeen dhowr jeer Boorsooyin iyo alaabo kale oo laga dhoofiyay soomaalia kuwaa oo lagu qabtay garoomada dalka Kenya
Dhanka kale dowladda Kenya wali waxa ay ku dhegan tahay in uusan jirin Mas’uul soomaali ah oo ay u dhan yihiin shuruucdiisa dal ku galka Kenya oo dib loogu celiyay soomaalia
Wasaaradda Arimha dibadda Kenya ayaa sheegtay in mas’uuliyiintii dib looga soo celiyay Kenya ay ku safrayeen baasabooro dublumaasi ah laakin aysan haysan wax visa ah sidaasi daraadeedna ay dib ugu soo celiyeen
Waxa ay intaasi ku dartay wasaaradd arimaha dibadda Kenya inysan jirin qorshe dalkeeda loogu diidayo muwaadin walba oo soomaali ah oo ay u dhan yihiin shruucda dal ku galista Kenya
Wasaaradda Arrimha dibadda Kenya ayaa yareeysatay hadal dhowaan ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo ahaa in aysan jiri doonin wufuud soomaali ah oo Kenya uga qeeyb galeeysa shirarka ama taba barada caalamiga ah ee Kenya lagu qabto
Kenya iyo soomaalia ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad dublumaasiyadeed oo salka ku heeyso arrimah xudduuda badda u dhexeeysa labada dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here