Wasiirka Koowaad ee Maamulka Galmudug oo cafis u fidiyay tiro Maxaabiis ah oo,

0
344

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta ka qeyb galayay munaasabad loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaalkii Ahlusuna kula gashay gobolka Galgaduud Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay cafiska Maxaabiista.

Isaga oo khudbad u jeedinayay Boqolaal askari oo ka qeyb qaadanayay dhoolatus ka dhacay degmada guriceel ayuu sheegay in dhamaan la cafiyay maxaabiista ku eedeysan dambiyada fudud ee ku jira Xabsiyada uu gacanta ku haayo Maamulka Galmudug.

Tallaabadaan uu ku dhawaaqay Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa kusoo aadeysa xilli degmada dhuusamareeb oo ah Xarunta Maamulka Galmudug uu ka maqan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxa ugu sareeya Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here