War la’aanta soomaalida iyo weerarka lagu yahay.

0
357

Majecli inaan xasuusiyo shacabka soomaaliyeed maalmo murugo leh oo ay soomareen waxaanse jecelahay inaan u iftiimiyo mastaqbalkooda soo socda iyo waddadii ay ku gaari lahaayeen iyo dabcan caqabadaha horyaala ee ubaahan in laga digtoonaado ama lala yimaado xeeshii, aqoontii iyo awooddii lagu gaari lahaa mustaqbalka ifaya ee wanaagsan.
markay sidaas tahay soo mahaboona inaan yeelano karti iyo xeelad aan uga hortagno wax kastoo beeninaya rajadeena, mustaqbalkeena,una muuqda inay duulaan kuyihiin dalkeena iyagoo noogu soo gabanaya kuna soogabanahay kuwo inaga naga mid ah oo sandareertada jecel, waxaan shaki kujirin haddii umadi rabto inay hormarto waa inay yeelato ujeedooyin cad-cad iyo awood dheeri oo ay uga hortagaan wixii udiidan ama duulaan ku ah islamarkaasna waa inay mideeyaan awooddeeda,xeeladdeeda,aqoonteeda,fikirkeeda, iyo dhaqaalahooda.

waa burburnay, waa islaynay, waa kala tagnay, iyo hadalo niyad jab ah inaan is xasuusinno waxaa ka hagaagsan inaan isku baraarujinno inaan soo celino ama dhisanno wax kastoo aan iska haleeynay iska burburinay soona ceshanno sharafkeenii iyo dawladnimaddeenii eersatay inaga gacmeheenna iyadoo qaarkeen u adeegayeen dadyow shisheeye iyagoo ku gaaraya dano iyaga u gaar ah.

Ugu danbeyn waxaan rabaa inaan ugudbo ujeedka qoraalkayga anigoo kusoo koobaya dhawr qodob oo kaliya.
1:Dawladnimo aynaan inagu dhisan ma heli karnaa?
2:Dawladnimo aynaan inagu difaacan ma noo dhisnaan kartaa?
3:Dawladnimo aan inagu duulaan kunahay mannaloo difaaci karaa?
Sadexdaan qodob xaqiiqdii waa astaamaha iyo dhaliilaha aynu leenahay.

waxay soomaalidu ku maah-maahdaa Ilaahay sadex waa awoodaa laakiin mayeelo
1 Ilaahoow ha icadaabin camal falan maayee
2 Ilaahoow awlaad isii guursan maayee
3 Ilaahoow xoolo isii shaqaysan maayee.

waxaa taas lamid ah waxa maanta soomaalidu doonayso oo ah Ilaahoow dawladnimo nasii islamarkaasna ay dowladnimadii iyadu duulaan kutahay.
Waxaa taas dheeri kusii ah maanta majirto hal dawlad oo inoo rabta inaan ahaanno dawlad ama yeelano awood dhaqaale iyo mid ciidan, waxaa nagu geeydaaman dhan walba caqabado isbiirsaday una baahan inaan umidoowno isku aragtina kaqaadano si aan uga gudubno caqabadaha ruux walba oo soomaaliya gaarka u haysta islamarkaasna usoo celino sharafkeennii iyo karaamadeenii.

Tan iyo markii ay meesha kabaxday dawladii dhexe ee soomaaliya waxaa jiray dadyoow iyo dawlado shisheeye oo kamacaashay burburkeenii ilaa iyo haddanna lugaha nagu dhagan oo raba inaan kusii jirtno xumihii ay nooga macaasheen waxaa kamid ah Dawladahaas kenya oo isu soo qaawisay inay boob iyo hanjabaad ku qaadato khayraadkeenna iyo dhulkeenna iyadoo ka xumaatay inay muuqato inaan leenahay muuqaal soo ifaya oo rajo keeni karna inaan helo awood dhaqaale iyo mid ciidan oo iyada kula tartami karno, markay halkaas taagantahay maxaa inala gudboon inaan kudhaqaaqno haddaanu nahay soomaali?
waxaan oran lahaa aan iloowna kagudubno astaamihii iyo ficiladii aan ku soo khasaarnay una jeensanno wax kastoo aan ku beenin karno damacyada foosha xun ee ay naga leeyihiin dadyowga shisheehe iyo dawladohoodu.
(#Soomaalisan midaysan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here